Qeybdiid “Kolkii Xasan uu saxiixay heshiiska P/L indhaha ayaa laga hayay xaalkiisu ma wacneyn”

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Xasan Cawaale, oo kamid ah saxiixayaasha maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa si adag kasoo horjeestay hishiiskii shalay lagu kala saxiixday magaalada Garoowe ee maamuulka Puntland.

Hishiiskaasi ayuu sheegay inuu yahay mid ka hor imaanaya dhismaha maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay inuu hishiiskaasi muujinayo sida looga xad gudbay dastuurka Soomaaliya.

Qeybdiid waxa uu sheegay in ka shaqsi ahaan uusan ku qanacsaneyn Warmurtiyeedkaasi, waxa uuna sababtu ku sheegay in Madaxweyne Xassan uu yahay mid xili waliba u jilicsan Maamulka Puntland.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Puntland uu doonayo in Shaati cusub u geliyo dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

“Waxaan sheegayaa arinta Garoowe ka dhacday iney dhibaato ku tahay maamul u sameynta Gobolada dhexe, waxaa lagu tuntay dastuurka dalka u yaala”ayuu yiri Qeybdiid.

Waxa uu tilmaamay in xiliga lasoo saarayay Warmurtiyeedkaasi uu Madaxweyne Xassan ahaa ruux aan indhihiisu kala furneyn, islamarkaana la idha sarcaadiyay.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa waxaa kamid ahaa “Waxaan u arkeynaa war murtiyeedka meeshaas kasoo baxay wax haba yaraatee wanaag ,horumar,degenaan kusoo kordhinaya Soomaaliya uma aragno”

“Kolkii Xasan Sheekh uu saxiixaayay Heshiiska Puntland indhaha ayaa laga hayay xaalkiisu ma wacneyn” ayuu yiri Qeybdiid.

Qeybdiid ayaa sidoo kale qaadacay qodobka ah in dadka kasoo Jeeda Puntland aysan ka qeybgeli karin shirka maamul u sameynta gobollada dhexe, wuxuuna taasi ku dhaliilay Madaxweyne Xassan oo uu ku sheegay mid laga hirgaliyay maslaxadii laga lahaa.

Hishiiskii shalay lagu gaaray magaalada Garoowe waxaa qeyb ka ahaa in dad kasoo jeeda deegaanada Puntland aysan ka qeyb gali Karin dhismaha maamulka Mudug iyo Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com