Dhageyso: Guuleed oo diiday heshiiskii Garoowe

Cadaado (Caasimada Online) – C/kariin Xuseen Guuleed oo ah musharax u taagan qabashada xilka madaxweynenimo ee gobolkada dhexe ayaa si cad kaga soo horjeestay qaar kamid ah qodobada hishiiskii shalay ka dhacay magaalada Garoowe.

Mr Guuleed, wuxuu sheegay in hishiiskaasi qodobka dhigaya in maamulka gobolada dhexe uu yahay gobol iyo Bar uu si weyn kaga soo horjeedo uuna ku dhaliilayo dadkii saxiixay.

Wuxuu cadeeyay in qodobkaasi uu yahay mid ka hor imaanaya dastuurka dowlada Soomaaliya u degen ee dhigaya in labo gobol iyo waxii ka badan ay noqon karaan maamul goboleed ka dhisan dalka Soomaaliya.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in looga baahan yahay iney cadeyso mowqifkeeda ku wajahan hishiis iska hor imaanaya oo mar walbaa ay saxiixaan madaxda dowlada Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu C/kariin Xuseen Guuleed jeediyay kadibb wareysi uu siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduu
Caasimada@live.com