Xildhibaano ka hor yimi heshiiskii Xasan Sheekh uu lasoo galay maamulka Puntland + Qorshaha!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay DF Somalia heshiis ay wada gaareen Maamulka Puntland, ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Mudanayaal ka tirsan BF Somalia.

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed oo kamid ah Xildhibaanada BF, ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uu ka talaabay sharciga dalka, islamarkaana u bareeray mid isaga u gaar ah.

Waxa uu sheegay in inta badan qodobada uu Madaxweyne Xassan la saxiixday Maamulka Puntland uu wax badan u dhimaayo jiritaanka awooda dowladnimo, waxa uuna meesha ka saaray in Madaxweyne Xassan uu arrintaasi kala tashtay xubnihii ku wehlinaayay socdaalka balse uu isaga iska gaaray go’aanka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in wakhtiga u harsan Madaxweynaha uu ka faa’iideysanaayo awoodiisa, wuxuuna meesha ka saaray inuu tixgalin u hayo Dastuurka dalka.

”Waa arrin ugub ah in Madaxweynuhu uu saxiixo qodobo ceynkaasi ah, waxa uusan weli aqoon u laheyn in Puntland ay tahay maamul goboleed iyo dowlad daris la ah Somalia, waxa uu ula dhaqmay si dowlad ay xuduud kala dhexeyso Somalia”

”Waa hubaal in inta badan qodobad uu ku raali galinaayay Puntland uu dib ugu soo noqon doono DF Somalia, waayo somali ayaa ku maahmaahday ratiga hore saan-qaadkiisa ayuu ratiga dambe leeyahay”

”Isha ayaan ka daawan doonaa meesha uu Xassan geeyo Somalia, waayo maamulada dalka ayaa ka awood badan dowladu waana arrin ka yaabisay beesha caalamka”

Dhanka kale, waxa uu xubnaha BF kula taliyay inaysan daawan qaladaadka ka dhextaagan Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com