Odayaasha waqooyiga Mudug ee shirka Cadaado oo qaadacay in la kala dhantaalo gobolka Mudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergada ka socota Waqooyiga Gobolka Mudug ee Puntland ee ka qeybgalaya Shirka ka soconaya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa sheegay in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin go’aanka Dowladda ay ku sheegtay in Galgaduud iyo Koofurta Mudug loo sameynayo Maamulka Gobolada dhexe.

Suldaan Madoobe Aw Jaamac oo ka hadlaayay arrintaasi ayaa sheegay inay khilaafsan yihiin wararka hawada leysu marinaayo, waxa uuna carabka ku dhuftay in Mudug aysan kala go’in.

Waxa uu suldaanku sheegay in ka garab ahaan aysan u hugaansami doonin warka kasoo baxay Garoowe oo lagu sheegay in Ergada Waqooyiga Mudug aysan ka qeybgali karin Shirka Cadaado.

DF Somalia ayuu ugu baaqay inay ka runsheegto xaalada dhabta ah ee lagu xaqiijin karo jiritaanka dalka, waxa uuna ka digay in shaqsiyaad gaar ah lagu raali galiyo masiirka umadda Soomaaliyeed.

”Adeer Jubbaland iyo Koofur galbeed maamul ayay sameysteen anaguna xaq baan u leenahay inaan maamul helno”

Dhanka kale, waxa uu DF Somalia ugu baaqay inaysan u kala eexan Gobolada dalka iyo Beelaha ku nool islamarkaana ay ku hagto waxa uu qabo sharciga dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com