Xog: CCC oo la kulmaya Baarleex iyo Guureeye

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho ay ku kulmaan qaar kamid ah xubnaha saxiixayaasha maamulka loo sameynayo gobolada dhexe iyo ra’iisul wasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali.

Kulankaasi ayaa la filayaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana ra’iisul wasaaraha uu u yeeray xubnaha saxiixayaasha maamul u sameynta gobolada dhexe.

Waxaa codsigiisa kasoo jawaabay madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Maxamed Baarleexe iyo Sheikh Ibraahim Xasan Guuree gudoomiyaha seddexda golle ee Ahlu sunna.

Waxaa la filayaa iney kaga hadlaan hadalkii dhawaan kasoo yeeray xubnahaasi oo ay kalsoonida kala laabteen gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka.

C/Xasan Cawaale oo xubnahaan qeyb ka ahaa ayaa ka biyo diiday dalab kaga yimid ra’iisul wasaaraha dalka oo u yeeray si kulan gaar ah ay u qaataan.

Laakiin Baarleex iyo Guureeye ayaa maalintii shalay gelinkii dambe kasoo dagay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com