Xog: Cabdi Kariin Gulleed oo caqabad ku noqday musharaxiinta kale ee gobollada dhexe kaddib…

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegaya in Musharaxiinta u taagan qabashada Maamulka G/Dhexe ay caqabad kala kulmayaan Musharaxa C/kariin Gulleed.

C/kariin Gulleed ayaa durbadiiba soo afjaray kulamadii uu la qaadanaayay Ergooyinka ka qeybgalaaya Shirka Cadaado, halka kuwa kale aysan weli qaadin talaabooyin ay ku muujinayaan Musharaxnimadooda.

Gulleed ayaa inta badan taageero ka helay Ergooyinkii horay u taageeray Musharaxiin uu kamid ahaa Axmed Fiqi, waxa ayna taasi keentay niyad jab ku imaaday Musharaxiinta kale.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhaqaale adag ku bixinaayo hirgalinta in C/kariin Gulleed uu kusoo baxo Madaxtinimada G/Dhexe, waxaana taasi dhaliilo ka muujiyay Musharaxiinta kale oo iyagu muujinaayo in DF Somalia ay faragalin ku heyso arrimaha shirka Cadaado.

Dhanka kale, Gulleed ayaa waxaa hor boodaaya inkabadan 15 xubno ka tirsan Villa Somalia iyo Siyaasiyiin, waxaana xusid mudan in Mas’uuliyiintaasi uu kamid yahay Wasiirka arrimaha gudaha Odawaa.

Odayaasha qaar ayaa Madaxweyne Xassan ugu baaqay inuusan kala jecleysan Musharaxiinta u taagan Maamulka G/Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com