Nidaam dowladeed caynkeeba ku haboon dalka?

Waxaa waayadan si aad ah u soo labakacleeyey dooddo ku aadan nidaam dowladeedka ku haboon dalka Soomaaliya ka dib markii uu fashilmay nidaamka federaalka, Islamarkaana uu abuuray mushkilado hor leh oo qatartooda leh, Kuwaas oo ay ugu horeyso colaado ku salaysan deegaanka. Nidaamkan, ayaa waxa uu sidoo kale dib u soo ciliyey xurguftii u dhaxeysay Beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa isku arko in ay yihiin Beelo waaweyn.

Waxa uu sidoo kale nidaamkani albaabada u furay fowdo siyaasadeed oo aan horay loo arag nooceeda oo kale, Taas oo ay calanka u sidaan Atoorayaasha horbooda Maamul Goboleedyada dalka, sida Siilaanyo, Cabdiwali Gaas, Shariif iyo waliba ninkii wadaadka ahaan jiray (Axmed Madoobe), Kuwaas oo u arkay in nidaamka Federaalka uu yahay nidaam siinayo awoodo ay heshiisyo kula gali karaan dalal shisheeye sida kuwa Dariska oo kale !

Dhaqamadu uu la soo baxay nidaamkan faashilka ah, ayaa waxaa ka mid ah in uu shaki geliyey midnimada iyo madax banaanida dalkeena. Tusaale ahaan, waxaad arkeysa wafuud shisheeye ah oo booqaneyso deegaano ay ka taliyaan Maamul Goboleedyada, Iyadoo aysan la soconin Dowladdii Dhexe, Taas oo runtii ah wax aan la aqbali Karin. Dhanka kale, waxa uu sidoo kale dib u soo celiyey colaaddii sokeeye ee u dhaxeysay Beelaha Soomaaliyeed,Taasna waxaa daliil u ah waxyaabaha maanta ka socda gobolada Jubooyinka, Hiiraan, Shabeelooyinka, Gobolada Dhexe, Awdal iyo waliba Sool iyo Sanaag (habartii tuulo daganeydba waxay tiri dowlad goboleed) !

Waxaa sidoo kale iyana ay doodi ka jirtaa nidaamka ay u dhisan tahay Dowladda Federaalka ee hadda jirta, Taas oo leh hay’ad fulineed oo ka kooban Madaxweyne iyo Ra’isulwasaare, Kuwaas oo had iyo jeer ku isku qabqabsada awoodda hay’adda ay ka wada tirsan yihiin. Habka ay u dhisan tahay Dowladda Federaalka ayaa ah hab mucaqad (adag), Kaas oo had iyo jeer abuura khilaafyo dhexmara Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha maadaama ay labaduba wada leeyihiin awooda is dhexgishan.

Nidaamka ay u dhisan tahay Dowladdan hadda jirta, ayaad mooddaa mid kutalogal ah, Maxaa yeelay waxa uu abuurayaa xafiisyo filineed oo hadana isku awood dhow, halka ay ahayd in uu awoodaha isugu geeyo hal meel sida Ra’isulwasaaraha oo kale. Madaxweynuhuna uu markaasi noqdo jago sharfeed kaliya amaba uu meesha ka saaro Ra’isulwasaaraha, si aanu khilaafba u imaanin laakiin nasiibdaro taasi ma dhicin ujeeddo kastaaba ha laga lahaadee.

Indheer-garad Soomaaliyeed, ayaan weydiiyey waxa ay la tahay qaabka ay u dhisan tahay Dowladda federaalka, Waxa uuna iigu jawaabay “Adeer sidan waa loogu talogalay” oo waxaan ku  iri  yaa ugu talogalay ?  Waxa uuna iigu jawaabay ” Shisheeye iyo wax-daran”. Mar kale, waxaan su’aal taasi la mid ah weydiiyey mid ka mid Culimada Soomaaliyeed, Waxa uuna iigu jawaabay “Akhi Waxani ma’ahan wax ay Soomaali leedahay waana sababta ay u shaqeyn la’yihiin”  Waxa uuna ii sii raaciyey  “Sow ma’aadan arag  calamada shisheeye ee luqamada loo suro marka ay u xafladeynayaan kuwii soo barbaariyey”.

Mar haddii ay dhibaato badan ka jirto nidaamka Federaalka iyo waliba sida ay u dhisan tahay Dowladda hadda jirta, Hadaba nidaamkee baa ku haboon dalka Soomaaliya, Si uu uga baxo dhibaatooyinkan uu dhex-maquuranayo mudada aadka u dheer, Islamarkaana ka dhigtay dalka ugu xun dunidan ? Markaan baxthi dheer (baarid) sameeyey ka dib, Anigoo waliba dhinacyo badan wax ka eegayo, Waxaa ii soo baxay nidaamka ugu fiican ee ku haboon dalkani in uu yahay nidaamka loo yaqaano central system (dowlad dhexe), Kaas oo leh madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen.

Nidaamkani, ayaa waxa uu yeelanayaa madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen iyo waliba gole wasiiro oo uu soo magacaabayo madaxweynaha, kaas oo ka koobnaan doono ugu badnaan 18 wasaaradood oo ay ku jirto wasaarad la yiraahdo wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga. Waxa uuna sidoo kale nidaamku yeelanayaa baarlamaan ay soo doortaan Shacabka Soomaaliyeed mar alaale iyo markii la helo fursad wax lagu doorto.

Dhanka gobolada. Nidaamkani, waxa uu siinayaa dadka ku nool gobolada in ay Iyagu soo doortaan gudoomiyaasha gobolada iyo waliba kuwa degmooyinka halka degmo kastana ay yeelan doonto waxa afka qalaad lagu yiraahdo city counsil (gole degmo), kaas oo ay si toos ah u soo dooranayaan dadka ku nool degmadaasi.

Qaab dowladeedkan, ayaa ah mid fudud marka la barbardhigo nidaamka federaalka ee hadda lagu dhaqmo, Kaas oo runtii u baahan dhaqaalo badan, aqoon badan iyo waliba waqti dheer oo ay dadku ku bartaan sida uu u shaqeeyo. Waxa uu sidoo kale nidaamkani centralka ah keenayaa xasilooni siyaasadeed maadaama ay awooduba ka soo baxayso hal dhinac, inkasta oo uu Jiri doono Baarlamaanka la soo doortay. Waxa uu sidoo kale habkani adkeynayaa midnimada iyo wadajirka dalka, Taas oo runtii ah waxa aad loogu baahan yahay.

Maadaama ay Soomaaliya maanta marayso marxalad adag, Taas oo runtii u baahan nidaam siyaasiyan degan, Islamarkaana awood u leh in uu maareeyo mashaqadan 30 jirsatay hadaba waxaan leenahay nidaamka ugu fiicani, Islamarkaana ugu fududi waa nidaamka loo yaqaano dowlad dhex (central system) maxaa yeelay waa mid ay fudaddahay hergelintisu, Islamarkaana adkeynayo midnimada iyo wadajirka, kana hortagayo dagaalo sokeeye oo ku salaysan xuduudaha.

Nidaamkani ma’aha mid hurinayo colaado sokeeye sida federaalismka oo kale. Bal fiiriya waxa maanta ka socda gobolada Jubooyinka, Koonfur Galbeed iyo waliba Gobolada Dhexe. Waxaa maanta la doonayaa in hab beeleed loo kala qeybiyo gobollo iyo magaalooyin in mudda ah ay isla deganayeen  Beelo Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale la doonayaa in la hergeliyo federaalism ku salaysan hab beeleed. Tusaale ahaan, Waxaa la rabaa wixii Daarood ahba in meel la isugu geeyo, Digil iyo Miraflana meel, Hawiye iyo Dirna si la mid ah sidaasi, Ma waxaasaan aqbali karnaa Anagoo Muslim ah ?

Anigu runtii ma garan waxa loogu ordayo nidaam faashil ah oo waliba sii kala qeybinayo dadkii, Islmarkaana sii daciifinayo dowladnimadii awalba tabarta yareyd. Tan kale, kuwan ku waashay system-kan qabiithka ah, Waa maxay horta waxa ay doonayaan in ay ilaaliyaan  ?  Ma waxa ay doonayaan in ay ilaaliyaan maslaxda beel yar oo Garoowe degan, Burco iyo Hargeysa, Muqdisho iyo nawaaxigeeda mise waxa ay doonayaan in ay ilaaliyaan maslaxadda Soomaaliweyn  ? Aaaway wanaaggii lagu yaqiinay dadka Soomaaliyeed mise Anigaaba ogeynoo waxaa loo gadan yahay waa Amxaar wasaqle ?

Gubagabadii iyo gunaanadkii, Waxa leenahay nidaam dowladeedka ku haboon dalkani, waa nidaamka loo yaqaano central system (dowlad dhexe), oo leh madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen iyo waliba gole wasiiro oo uu soo magacaabayo madaxweynaha, waa haddaan nahay dad garanayo maslaxaddooda waayo nidaamkani  waa mid fudud, Islamarkaan ogolaanayo baahinta adeegyada bulshada min caasimad ilaa tuulo.

W/Q: Cabdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid