Gudigii farsamada shirka Cadaado oo ka horyimi go’aanka odayaasha una jawaabay (Jahwareer)!!

Cadaado(Caasimada Online) – Gudiga farsamada maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa jawaab siiyay xubnaha odayaasha dhaqanka ee maanta gudiga kaga dhawaaqay Cadaado.

Maxamed Xaashi Carabeey gudoomiye ku xigeenka gudiga farsamada ayaa Caasimada Online u sheegay ineysan aqoonsaneyn gudiga looga dhawaaqay magaalada Cadaado.

Mr Carabeey wuxuu sheegay in wali aysan maqlin gudiga la sheegayo laakiin ay ka warqabaan in saxiixayaasha ay horay u sheegeen iney gudiga kala direen.

Wuxuu sheegay in odayaasha beelahooda ay soo dhiseen xubnaha gudiga xilkana ay iyaga ka qaadi karaan , laakiin aysan jirin cid kale oo xil ka qaadi karta ama gudi kale ka kordhisi karta.

Maxamed Xaasho ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda howlwanaagsan ay sameeyeen mudadii ay ku sugnaayeen magaalada Cadaado.

Wuxuu cadeeyay iney soo xuleen odayaal dhaqameed kuwaasi oo keenaya ergada soo dooraneyso xubnaha maamulka gobolada dhexe ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com