Gudoomiyaha baarlamanka Puntland oo u gefey Xasan Sheekh (Hadal yaab leh oo uu sheegay)

Siciid Xasan Shire waxa uu meel loo dhan yahay ka yiri: Shariif  Xasan ayaa borotokoolka kulligood ka leh macal madaxweynaha Federaalka, waayo siyaasadda ayuu uga horeeyay waana guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya”. Hadalkaasi ma run baa? Ma loo qaateen baa? Mase yahay mid ku habboon in guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu yiraahdo?

Waxaa xaqiiqo ah in Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu meel uga dhacay sharafta guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.  Si gaar ah waxa uu wax u dhimay sharaftii & magacii reer Puntland ee martida loo ahaa.

Aniga oo hadalkiisii soo min guurinaya oo aan waxba ku darin waxna ka dhimin, waxa daba yaaqadii bisha April, 2015 – Siciid Xasan Shire uu furitaankii shirkii wada tashiga ee Garoowe ka yiri:

“ Madaxweyne Sharif  Xasan Sheekh Aadan…… Maanta laba madaxweyne ayaa ku ducayn doona…… Madaxweynaha Federaalka & Shariifka oo karaaamadiisii guddoomiye Baarlamaanna soo ahaan jiray oo isagu borotokool gaara ii leh aniga oo guddoomiye Baarlamaan ii ahaan jiray oo aan aaminsanahay in uu borotokoolka  kulligood ka leeyahay macal madaxweynaha Federaalka, waayo siyaasadda ayuu uga horeeyay waana guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya”.

Shirka uu guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ka hadlay waxaa goob-joog ka ahaa: Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynha Puntland, Dr. Cabdiwali, Madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe & Madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan.  Waxaa kale oo madasha xaadir ku ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland, labada gudoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka Puntland, Wasiiro & Xildhibaano reer Puntland ah & dhammaan xubnihii la socday wufuuddii martida u ahayd reer Puntland.  Waxaa intaas dheeraad ku ahaa dad kale oo marti ah & bahda saxaafadda oo iyagu ah kuwa duubay, dadkana intii aan goobta joogin soo gaarsiiyay  gefkii meesha ka dhacay.

Hadalkaas Siciid Xasan Shire waa gef iyo meel ka dhac aad u weyn, guddoomiyuhu waxa uu u gefay:

1.      Magaca guud ahaan Soomaaliya oo dhaqan ahaan ahaa dad lagu yaqiin xishood & in ay karaameeyaan  martidooda.

2.      Waxa uu u gefay sharaftii & haybaddii uu lahaa kursiga Madaxweynaha Federaalka ee Soomaaliya oo aan dhammaanteen isku raac-sanahy in uu yahay kan mar walba leh mudnaanta ugu horaysa.

3.      Waxa uu wax u dhimay oo dhaawac dhayid badan u baahnaan doona gaarsiiyay sharaftii & karaamadii ay reer Puntland lahaayeen, maadaama uu magaca Puntland isaga oo ku hadlaya  u gefay madaxweynihii Federaalka ee Soomaaliya ee martida reer Puntland u ahaa.

Xumaan loo qabo madaxweyne Xasan Sheekh darteed waxaa laga yaabaa in dad badan aysan dhib u arag hadalka guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.  Taasi sax ma aha, maxaa yeelay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa la dhaliili karaa, siyaasadiisa waa la mucaaradi karaa, laakiin marna xaq ma aha mana bannaana sharfata uu hagoogan yahay oo dhammaanteen uu noo sido in la duro oo la yiraahdo madaxweyne goboleed isaga hoos taga ayaa mudnaanta ka leh.

Arrinkaas marka ugu horaysa aniga oo ku hadlaya magaca inta damiirka leh ee reer Puntland Madaxweyne Xasan Sheekh waan ka raali gelinayaa kun & kow jeer.

Soomaalidu waxa ay ku maah-maahdaa: Dhagax meel dhaw buu ku dhacaa, dhawaqna meel dheer…… Ceebtan uu geystay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland waa ku kaligiis, arrinkuna ma ahayn mid qorshaysan oo loo dhan yahay, dad aad u badan iyo waxgarad reer Puntland ah ayaana ka xannuunsaday oo ka gubtay……Waxaan qof ahaan ku sifayn karaa hadal khalad ah oo si ka fiirsaho la’aan ah ka soo yeeray shakhsi aan u meel dayin waxa uu dhahayo!! Waxa aan oran karaa waa gef ka soo baxay shakhsi aan dhab u garanayn culayska uu yeelan karo hadalada afkiisa ka soo baxaya!!

Guddoomiye Siciid waxa uu mudan yahay in dhab loola xisaabtamo oo uu bixiyo qiimaha waxyeelada uu geystay isaga oo ku hadlaya magaca reer Puntland.  Waa in Baarlamaanku uu shir deg-deg ah arrinkaas ka qaato oo sida ugu dhakhsaha badan loogu codeeyo in Siciid kursiga laga wareejiyo iyo in kale.  Runta haddii aan laga indha saaban, anigu waxaan qabaa in Siciid uu mutaystay  in kursiga laga wareejiyo oo Puntland ay yeelato guddoomiye cusub oo qaadi kara mas’uuliyadda loo dhiibtay.

GUDDOOMIYAHA CUSUB:

Haddaba iyada oo mar walba la ilaalinayo saamigii wax qaybsiga ee reer Puntland u dhxeeyay, haddana shakhsiga cusub ee kursigaas loo dooranayo waa in uu ahaadaa qof miisaaman oo xilkaas si sharaf leh uga soo bixi kara.

Si guud marka aan u eego: Siciid Xasan Shire marka laga reebo waxaa Baarlamaanka Puntland xubno ka ah siddeed nin oo reer Sanaag ah oo mid mooyee (Cabdixakiim Dhoobodaareed)  inta kale aan hubo in ay dhaami lahaayeen guddoomiyaha hadda xilka haya!! Si gaar ah markii aan u iftiimiyana siddeedda xubnood ee aan sheegay waxaa ku jira laba nin oo hore u soo ahaan jiray guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, sharafna xilkaas ku soo gudbay waxayna kala yihiin: Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf & Axmed Cali Xashi , labaduba waa ay ka damiir wanaagsan yihiin, kana macquulsan yihiin Siciid Xasan Shire, waxaanan hubaa in gefka noocaas ah aanu midkoodna ku kaceen.

Ugu dambayn waxaan guud ahaan xubnaha Baarlamaanka Puntland u sheegayaa, si gaar ah aniga oo la hadlaya labada guddoomiye ku xigeen waxa leeyahay: Walaalayaal caano daatay dabadoodaa la qabtaa……….Walaalayaal khaldkii hore loo galay ee ahaa in Siciid Xasan Shire loo doorto guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland maanta aan saxno khaladkaas, maadaama aan haysano fursad aan ku sixi karno.  Haddii arrinkaas  uu na dhaafo waxaa hubaal ah in Siciid Xasan Shire uu dhibaatooyin hor leh Puntland u horseedi doono.

W.Q: Abdirazak Muse Hersi

abdirazakmuuse@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid