27 C
Mogadishu
Tuesday, December 16, 2025

Dhageyso: Hal shardi oo la sheegay in ay hortaagan tahay in shirka Cadaado..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Galgaduud (Caasimada Online) – Iyadoo maanta la qorsheynayay inuu furmo shirka maamulka loogu sameynayo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa odayaasha ku dhaqan Dhuusomareeb waxay soo saareen war kaasi ka duwan.

Odayaasha shirka dib u hishiisiinta uu kaga socdo magaalada Dhuusomareeb ayaa ku dhawaaqay in shirka magaalada Cadaado uu ku xiran yahay dhamaanshaha shirka dib u hishiisiinta ee ka socda magaalada Dhuusomareeb.

Cabdiladhiif Cabdulaahi Warsame, afhayeenka shirka ka soconaya magaalada Dhuusomareeb ayaa Caasimada Online, u sheegay in shirka magaalada Cadaado uusan furmi karin isagoo aan dhamaan shirka dib u hishiisiinta.

Wuxuu sheegay in dhawaan shirkaasi lagu kordhiyay muddo 25 maalin ah, kadib markii la ogaaday in wali aysan is arkin qaar kamid ah beelaha daga deegaanada gobolka Galgaduud.

Afhayeenka wuxuu sheegay in beelaha wadada daga deegaanada maamulka loo sameynayo oo aan hishiis aheyn aysan suurto gal aheyn in shirkaasi uu ka dhaco magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News