26.8 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Madaxweyne Xasan & 2 nin oo kale oo hortaagan arrintii la isku raacay (XOG)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Ganacsatada iyo odoyaasha shirka uga socdo Magaalada Dhuusamareeb oo ku guuleystay inay aqbalsiiyaan xabad joojin dhex marta ciidamada Dawladda iyo kuwa Ahlu-Sunna ee dagaaladu ku dhexmareen magaalada Guriceel ayaa la sheegayaa inay caqabad kasoo food saartay dhinaca Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Si loo badbaadiyo shacabka ku barakacay Magaalada Guriceel ee kumanaanka kun ah looguna soo celiyo magaalada ay ka barakaceen, waxaa waxgaradkii ka shaqeynayey Xabad joojinta iyo dhexdhexaadinta soo jeediyeen 3 qodob, qodobadaas oo kala ah:-

1 – In Xabadda la joojiyo shuruud la’aan.

2 – In Ciidamada Dawladda ee ku sugan xerada Harqaboobe oo 3 KM u jirta magaalada Guriceel ku noqdaan Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku taalo xarunta ciidamada qeybta 21-aad.

3- In Ciidamada Ahlu-Sunna ay joogaan Magaalada Guriceel oo ay haatanba gacanta ku hayaan ciidamada Dawladuna joogaan Magaalada Dhuusamareeb oo shirka dib u heshiisiinta iyo maamul dhisida goboladda dhexe-na uu ka socdo oo labada ciidana aysan sameynin wax dhaqdhaqaaq milateri ah.

4- In Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Galgaduud ilaaliyaan Xabad joojinta labada dhinac.

5- Intaa kadib in Dawladda iyo Ahlu-Sunna ay wada hadlaan.

Masuuliyiinta Ahlu-Sunna ayaa aqbalay dhamaan qodobadaa balse Masuuliyiinta hogaaminaaya dagaalka ee ka socda Dawladda ayaa sheegay in ciidamadda dib ugu celiyaan Magaalada Dhuusamareeb ka go’do Madaxweyne Xasan Sheekh uu amray in magaalada la qabto.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Odowaa iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kasoo jeeda xarakada Damujadiid ayaa hub fara badan oo ay ku jiraan Hoobiyayaal u raray Gobolka Galgaduud si ciidamada Dawladda u joogteeyaan dagaalka ka dhanka ah culimada Ahlu-Sunna inta kooxda Damujadiid ka gaarayaan hadafkooda ah in shirka ka socda Magaalada Dhuusamereeb uu saameeyo dagaalku markaa kadibna si sahlan u geystaan shirka Magaalada Cadaado si musharaxa kooxda Damjadiid ee Cabdikariin Xuseen Guuleed loogu dhawaaqo Madaxweyne, Caasimadda Maamulkana looga dhigo Magaalada Cadaado.

Si kastaba ha ahaatee beelaha Gobolada dhexe ee shirka ugu socdo Dhuusamareeb iyo Culimada Ahlu-Sunna dooneyn in shirka dib u heshiisiinta iyo maamul sameynta loo raro Magaalada kale maadaama magaalada Dhuusamereeb amnigeedu sugan yahay ayna joogaan Ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News