Dhageyso: Hanti dhawraha qaranka oo ka sheekeeyey sababtii ay ku timid in ilaaladiisa ay toogtaan wasiir Cabaas

Mudisho (Caasimadda Online) – Hantii dhowrka guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale oo ilaaladiisa ay ka danbeysay dilkii wasiirkii howlaha guud ee Soomaaaiya Cabbaas C/llaahi Siraaji ayaa ka hadlay waxa dhacay.

Wuxuu sheegay in dhacdada ay ahayd shil, isla markaana labada ilaalo ay is rasaaseeyeen, taasoo uu ku baxay wasiirkii howlaha guud, isagoo wareysii siiyay VOA ayuu sheegay inuu aad uga xun yahay sida wax u dhaceen.

Ugu horeynt hanti-dhowraha qaranka ayaa qoyskii wasiirka iyo shacabka Soomaalliyeed uga tacsiyeeyay geeridiisa waxaana uu yiri ” Waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Walaalkey Cabaas, Shil ayaana dhacay, waxaana arintaas uga tacsiyaynayaa qoyskiisii iyo shacabkiisa”.

Hanti-dhowraha ayaa dhanka kale sheegay inuu aad uga xun yahay geeriga marxuumka, isla markaana ay si shil ah arintaas ku dhacday kadib markii ay ciidamo halkaas ku wada sugnaa kala shakiyeen.

“Askarta ayaa isku soo dhawaatay, isqoonsatay kadibna isxabadeysay Waana Shil ku dhacay is afgarasho la’aan iyo kala shaki, walaalkey ayaana ku baxay, aadbaana uga xumahay arintaas”ayuu yiri Hanti-dhowre Dr Cabdi-Nuur.

Hanti-dhowraha ayaa dhanka kale sheegay in isaga, Ra’isul Wasaare Kheyre iyo gudoomiyaha Barlamaanka ay meydka marxuumka ugu tageen isbitaalka, ayna ka wada hadleen in si madax banaan loo baaro qaabkii uu falkaas dilka ah udhacay.

Inkastoo hanti-dhowraha uu sheegay in isra saasaeyn ay dhex martay ciidamadiisa iyo ciidamo uu watay wasiirka la dilay, hadana waxaa la xaqiijiyay in wasiirka dhintay uusan wax ilaalo ah laheyn.

Si kastaba, waxaa soconaya baaritaan xoogan oo lagu ogaanayo hadii falkaas uu ahaa mid loogu talagalay iyo hadii kale.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET