Xog iyo Sawirro: Caddaalad darrada DF iyo sidii loo dayacay wasiir Cabaas Siraaj

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho lagu dilay wasiirkii Howlaha guud ee dowladda Soomaaliya Cabaas C/llaahi Siraaje oo ahaa nin dhallinyaro ah.

Haddaba inkastoo ay Cabaas dhamaatay waqtigii ilaahey u qoray inuu adduunka joogo, haddana dowladda Soomaaliya ayaa sabab u aheyd inuu dhinto marka laga soo tago xabadaha lagu dhuftay maadaama ay horey u dayacday amnigiisa markii la siin waayey baabuurta aysan xabadda Karin.

Wasiirada Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegaa in aysan intooda badan laheyn ama wadan gaadiidka aan xabadaha karin, waana calaamad su’aal dul saaran sida aan la isaga xil saarin amnigooda, waxaana wasiirada amnigooda loo sugaa sida ay u kala magac weyn yihiin, balse lama fiirin cilmiga iyo xoogga uu Cabaas u lahaa inuu wadankiisa wax u qabto.

inta badan Wasiirada ugu muhiimsan dowladda ee haya Wasaaradaha culus ayaa waxaa lagu ilaaliyaa gaadiid ciidan iyo baabuurta aan xabadaha karin, waana arrin dad badan la yaaban yihiin sida Wasiirada Xukuumadda ay u kala qaalisan tahay naftooda.

Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Wasiiro hore ayaa iyana ka mid ah kuwa leh baabuurta aan xabadaha karin, waxaana qaarkood la sheegaa in baabuurta ay lahaayeen la siiyay xilliyadii ay xilalka hayeen, taasoo noqneyso arrin aan macquul aheyn inuu shaqsi aan xil heyn heysto baabuurta aan xabadda Karin wasiirkiina uu ku socdo baabuurta raaxada xilli la ogyahay amniga Muqdishi.

Si kastaba ha ahaatee Wasiir Cabaad Siraaji ayaa noqonaya Wasiirkii u horeeyay ee la dilo Xukuumadda Kheyre, isla markaana ku dhinta shil dowladda dhexdeeda ah, waxaa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo horay ugu soo koray xeryaha qaxootiga Kenya, isagoo lahaa mustaqbal wanaagsan.

Koleyba Cabaas waa tagay, dowladda Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay arrintaas si deg deg ah wax uga qabato, lana simo xuquuqda wasiiradd.

Sawirada hoose ka arag cadaalad darrada dowladda Soomaaliya ay ku sameysay wasiirkii geeriyooday ee Cabaas iyo baabuurta ay ku socdaan wasiirada kale: