Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhowraha guud qaranka Dr Nuur Faarax, oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay is hor istaag uu sheegay in lagu sameeyay shaqadiisa.
Hanti dhowraha ayaa sheegaya in shaqsiyaad ka tirsan xafiiska madaxtooyada ay iska hor istaageen shaqada ku aadan la xisaabtanka wasaaradaha kala duwan ee xukuumada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale hanta dhooraha guud ee qaranka DR Nuur Farax Jimcale waxa uu shegay in aan la ogaleen isla xisaabtanka iyo dabagal laku sameeyo hantida qaranka.
Xafiska hanta dhowrka guud ee qaranka ayaa maalmihi ugu danbeyay waxa uu waday dabagal uu ku sameynayay lunsashada hantida qaranka.
Shalay ayay aheyd markii hanta dhowraha qaranka uu baarlamaanka ka sheegay in maxkamada gobolka Banaadir ay sii deysay markab ku xirnaa dekada magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

