DHAGEYSO: Hogaamiye kooxeedkii DF Somalia ay u magacwoday xilka oo la soo diiday iyo dagaal laga cabsi qabo

Dhuusa-Mareeb (Caasimada Online) – Ururka ahlu Suna wal jamaaca, ayaa waxay shaca ka qaadeen inay yihiin mamul goboleed gooni waxana ay sheegeen inaysan aqbali karin in deegaanada ay maamulaad loo soo magacaabo Maamul aysan iyaga waxba kala socon.

Macalin Maxamuud Sheek Xasan Farax, Gudoomiyaha Golaha Fulinta ururka ahlu Sunna ayaa sheegay inaysan marnaba rali ka noqon doonin  in dowlada ay maamul usoo magacaawdo deegaan ama gobol ay ka taliyan ururka Ahlu Sunna.

“Marnaba aqbali meyno in Xuseen Cirfo halkan gobolka Galgauduud uu xukumo” ayuu yiri

Ma’uulkan u hadlay ahlu sunna aya sheegay inay ka hortagayaan maamulkan ay soo dhistay dowlada Soomaaliya hadii uu siku dayo inuu soo caga dhigto gobolka isagoona digniin u diray .

Arintan waxay ka dambeysay kadib markii dhawaan dowlada Soomaaliya ay maamul u magacaawday gobolka Galgaduud ee bartamha Soomaaliya , inkastoo gobolkaas inta ugu badan a k arimyaan ururka ahlu sunna waxaana sidoo kale deegaano ka mid ah gobolkaas ka arimiya Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Si kastaba xeel dheerayaasha ayaa ka digaya in diidmada Ahlu-Sunna iyo Xukun doonka Cirfo ay dagaallo u horseedi karaan deegaanka.

Dhageyso Hadalka Ahlu Suna

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusa-Mareeb
Caasimada@live.com