DHAGEYSO: Jawaari oo qaab cajiib ah jawaab u siiyey C/raxmaan Faroole

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari, ayaa wuxuu ka hadlay waxyabihii u qabsoomay tan iyo 20-kii August ee sanadkii lasoo dhaafay, xilligaas oo lasoo dhisay barlmaanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay muujiyeen wax qabad wanagsan mudadii sanadka aheyd oo ay jireen baarlamanka Soomaliya, balse wuxuu shaaca ka qaaday inay jiri karaan dhaliilo badan iyo caqabado aan sidaasi u buurneyn sida uu sheegay.

Si kastaba waxa uu yiri in dhaliilahaas aanay marnaba ku jirin in ay beddeleen wax ay umadda Soomaaliyeed ku heshiiyeen.

Jawaari, ayaa beeniyay eedeynta kaga timid Maamulka Puntland taas oo ku aadan inay wax ka badalen Dastuurka Soomaaliya waxaana uu sheegay inay arintaasi tahay mid aan waxba ka jirin .

Dhawaan Madaxweynaha Maamulkaas Faroole ayaa sheegay inay kalsoonidii kala laabteen dowlada dhexe ee dalka iyagoo taasi u sababeeyay inay wax ka badashay dastuurkii lagu heshiiyay ee lagu dhaqi lahaa dalka.

“Marka qofka mas’uulka ah uu wax eedeynayo waxaa muhim ah inuu hayo caddeymo” ayuu yiri Jawaari.

Halkan ka dhageyso wareysiga gudoomiyaha Baarlamanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com