Madaxweyne Xasan oo si ka fool-ka fool ah ula kulmay Axmed Madoobe

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka uu soo sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in xaley madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay hoggaamiyaha Jubbland Axmed Maxamed Islaam.

Kulankan oo ka dhacay safaarada Soomaalida ee Addis Ababa, waxaa uu ahaa mid aanwax shaqo ah ku lahayn wada hadallada labada dhinaca sidii aan horey idin kugu sheegnay, taa beddelkeedna waxa uu ahaa casho uu madaxweynaha u sameeyay ergada labada dhinac , isaga oo siinaya dar daaran.

Madaxweynaha oo goobta ka hadlay ayaa kula dar-daarmay labada dhinac in ay xal ka gaaraan heshiiskooda, kaasoo lagu wado in uu berri iyo maanta uu sii socdo sida wararka aan heleyno ay sheegayaan, waxaana lagu wadaa in madaxweynaha kusoo laabto Muqdisho, isaga oo wada hadallada u deynaya xubnaha DF ee jooga Addis.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal laga gaaro ismaan dhaafka ka dhex jirra dowladiisa iyo maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna sheegay in hal meel loo wado socdo, taasoona dan ugu jirta dhammaan dadka Soomaalida gaar ahaan dadka Jubbooyinka.

Wuxuu kaloo madaxweyne Xasan Sheekh goobta ka sheegay in wax yaabaha dhiman ee shirka looga arrinsado gudaha dalka, isla markaana dhawaan la soo afjaro muranka dowladiisa iyo maamulka Jubbland.

Intaas kaddib Axmed Madoobe oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay uga mahadcelinayaan madaxweynaha kulanka uu la qaaatay iyo waqtiga uu u huray la kulankooda, wuxuuna sheegay in Soomaaliya aysan kala maarmin.

Balse wuxuu sheegay in waa dowladda oo ah buu yiri dowladeena aysan ka soo horjeesan rabitaanka dadka Jubbooyinka.

Si kastaba, wariyaha warkan ka soo diray Addis Ababa wuxuu sheegayaa in marka la eego labada dhinac sida ay u hadlayaan isla markaana ay u qoslayaan in meesha uu ka muuqdo in ugu dambeen uu dhici karo is-afgarad buuxa, in kastoo ay jiraan shuruudo mid ba kan kale uu ku xirayo.

Wixii soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
Caasimada@live.com