La taliyaha mdaxaweyne Xasan Sheikh oo ay maxkamad Mareykan ah ku abaal marisay 15 milyan oo dollar, Sabab?

orneyl horey uga tirsanaan jiray kacaankii Somalia ee Maxamed Siyaad Barre, oo ka tagay dalka Mareykanka isaga oo ay ku socota dawad ku saabsan inuu jir dilay nin u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa xaakim federaal ah waxa uu ku xukuamay inuu bixiyo 15 milyan oo dollar oo magdhow ah, magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

Xaakim Mark Abel ayaa lacagtaas ku abaal mariyey Abukar Xasan Axmed oo dacwaddii uu billaabay 2010-kii ku sheegay in dhowr bilood uu jir dil kala kulamayey Col. Cabdi Adan Magan, sanadihii sideetameeyadii.

Garyaqaan Abukar Xasan Axmed
Garyaqaan Abukar Xasan Axmed

Abuukar ayaa dacwadda ku sheegay in Col. Magan uu mas’uul ka ahaa xarigisia iyo jir dilkiisa.

Abuukar ayaa sheegay in 3 bilood oo jir dil ah ay sababtay xanuun darran oo gaarsiiyey inuu dhib ku qabo fadhiga, dhaawac xunna u geystay kaadi heystiisa.

Sida Abuukar sheegay Col. Magan, ayaa waxa uu ahaa dambi baaraha guud ee hay’adda nabad sugidda qaranka Somalia, xilligii Maxamed Siyaad Barre.

Mid ka mid ah garyaqaanada u doodaya Abuukar, Christina Hioureas ayaa sheegtay in xukunka xaakimka uu dirayo farriin ah in Mareykanka uusan ahayn dal ay ku nabad galaan kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadamaha.

Col. Cabdi Aadan Magan, Sawir la qaaday xilligii kacaanka
Col. Cabdi Aadan Magan

Waxa kale oo ay sheegtay in inkasta oo Magan uu ka dhuuntay Mareykanka, oo uu iminka ku sugan yahay Kenya, haddana lala wareegi doono hantidiisa, si ay u bixiso qeyb ka mid ah lacagta 15-ka milyan ah.

Abuukar ayaa waxa uu macallin ka ahaan jiray Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa garyaqaan u dooda kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeday Maxamed Siyaad Barre.

Abuukar iminka waa la taliyaha dhinaca sharciga ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana uu waqtigiisa uu ku kala bixiyaa magaalooyinka Muqdisho iyo London oo uu degan yahay.

FG:Waxaa xusid mudan in inta badan idaacadaha Soomaalida iyo website-yo ay si qaldan u tarjumeen warkan, ayaga oo u dhigay in lacagata magdhow-ga ah laga doonayo la taliyaha madaxweynaha, sidaa darteed ayaan idin soo lifaaqeynaa warbixintii ay qortay wakaaladda wararka ee AP, oo uu soo xigtay TV-ga ABC ee Mareykanka, sid aadan u jahwareerin Halkan Click sii