Wada-hadallada dowladda Somalia iyo Jubaland ee Addis-Ababa (Warbixin)

Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa ka socda wadahallo u dhaxeeya ergo ka socota Dowladda Federaalka iyo Axmed Maxamed Islaan “Axmed Madoobe” oo dhawaan shir ka dhacay magaalada Kismaayo loogu doortay madaxweynaha maamulka Jubaland.Shirka labada dhinac u dhaxeeya ayaa daba socda shirar ay horey ugu yeeshee magaaalada Addis Ababa, waxaana ay labada dhinac ka wada hadlayaan sidii loo soo afjari lahaa muranka u dhaxeeya ee ku aadan maamulka magaalada Kismaayo.Dowladda Soomaaliya ayaa qaadacday maamulka looga dhawaaqay Kismaayo ee Jubaland, kuna tilmaantay inuu sharci darro yahay, balse Axmed Madoobe oo maamulka madax u ah ayaa ku doodaya inay xaq u leeyihiin inay maamul sameystaan sida uu qabo dastuurka federaalka Soomaaliya.

Dowladda Ethiopia ayaa labada dhinac dhex-dhexaadinaysa, waxaana la filayaa in wadahadaladoodu ay socdaa ilaa maalmaha so socda.

Farxaan Cali Axmed, qunsulka safaaradda Soomaalida ee Addis Ababa ayaa VOA u sheegay in madaxweynaha dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud uu xalay labada dhinac u sameeyay casho, isagoo ku booriyay laba dhinac inay wadahadalladan ka mira dhaliyaan iskuna tanaasulaan.

Madaxweyne Xasan wuxuu ka mid ahaa dhowr madaxweyne oo Addis Ababa u tagay si ay uga qeybgalaan xuska sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegatay markii uu dhintay ra’iisul-wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi.