Dhageyso: Imaamka Habargidir “Haddii 1 aseendo oo Biyo-Maal lee yahay laga soo helo Sh/Hoose, anagaa gardarran”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iimaamka beelaha Habar-Gidir, Imaam Cabdullahi Khaliif Rooble, ayaa beesha Biyo-Maal ku eedeeyey dagaalada soo noq noqda ee ka taagan gobolka Shabeelaha Hoose, oo mar kale lagu dagaalamay maalmihii dhowaa.

Cabdullahi Khaliif Rooble, ayaa shaaca ka qaaday in melaashiyo beesha Biyo-Maal kasoo jeeda ay weeraro gaadmo ah dhowr goor ku dileen beeraley u dhashay Habar-Gidir, oo ayaga oo dhexjooga beerahooda ay gaadeen.

Waxa uu sheegay in beesha Biyo-Maal ay ku doodeyso in Habar-Gidir aanay deegaan u lahayn gobolka Shabeelada Hoose, ayna isku dayayaan inay beesha Habar-Gidir ka tir tiraan gobolkooda.

“Waxa ay ku jiraan riyo aan laa yaabay oo ah in beel ayaga uga badan deegaanka ay tir tiraan, taasna ma shaqeeneyso” ayuu yiri.

Waxa uu ku dooday in xilligii dowladdii dhexe gobolka Shabeelaha Hoose, ay kasoo gali jireen xildhibaano u dhashay Digil iyo Daamo, ayada oo gaar ahaanna xildhibaano Habar-Gidir ay kasoo galeen magaalada Marka, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka ayaa 740 sano ka hor ahaan jirtay caasimada Hawiye, nimanka Biyo-maalna waxay ka yimaadeen Jig-Jiga, oo Sheeqaal ayaa soo dejiyey halkan” ayuu yiri.

“80% hantida gobolka waxaa leh Hawiye, haddii lasoo helo hal aseendo oo beer ah oo ay lee yihiin Biyo-Maal, anaga ayaa gar-darran” ayuu yiri Imaam Cabdullahi Khaliif Rooble.

Halkan hoose ka dhageyso codkiisa.

cabdullahi khaliif

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com