Xaalka KISMAAYO oo allow sahal ah !!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Dilal qorsheysan ayaa xalay waxa ay ka dhaceen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose, kuwaasi oo loo geystay dad shacab ah iyo xubno ku jira Maamulka Jubba.

Xalay waxaa Magaalada Kismaayo xeebteeda laga helay meydka ruux shacab ah, kaasi oo sida dadka deegaanka ay sheegeen ahaa ruux ka shaqeysta sameynta gaadiidka, waxaana lasoo wariyay in goobtiisa shaqada laga soo ka xeystay, kadibna meydkiisa halkaasi lagu arkay.

Sidoo kale qof kale oo shacab ah ayaa xalay waxaa lagu dilay Magaalada gudaheeda, waxaana dilay rag ku hubaysan biskoolado, kuwaasi oo ka baxsan goobta dilka ay ka geysteen.Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa qal-qal galay maalmahan dambe kadib markii ay soo bateen dilalka loo geysanayo dadka shacabka ah iyo xubnaha ka tirsan maamulka Jubba.

Ciidamadii dhawaan laga saaray magaalada ayaa dib loogu soo celiyay si ay usugaan ammaanka Magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com