DHAGEYSO: R/W C/Weli oo ammaanay Puntland iyo arrin uu u ballan qaaday

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee loo magacaabay Somalia Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa ammaanay maamul goboleedka Puntland, islamarkaana sameeyey ballanqaadyo ku wajahan weji cusub oo uu la sameysan doono maamulkaas.

Ra’iisul wasaaraha oo teleefonka kula hadlayey munaasabad taageero ah, oo loogu sameeyey Gaalkacyo, ayaa waxa uu sheegay in Puntland uu siin doono ahmiyad, islamarkaana ay ka mid ah meelaha uu taageeradooda ku xisaabtami doono, lana shaqeyn doono..

Cabdi Weli, ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu booqan doono deegaanada Puntland, inkasta oo uusan waqti rasmi ah cayimin.

“Waxaad ka mid tihiin muhiimadeeda, waan idin iman doonaa, waana wada shaqeyn doonaa, waana wada hadli doonaa” ayuu yiri Cadbi Weli Sheekh Axmed, oo weli sugaya ansixinta baarlamanka, si uu u noqdo ra’iisul wasaaraha rasmiga ah ee dalka.

Halkan hoose ka dhageyso codka Cabdi Weli

codka cabdiweli

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com