Qaybdiid oo faah-faahiyay waxyaabaha hor taagan horumarka GALMUDUG

Gaalkacyo (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa ka hadlay wax yaabaha ku hor gudban horrumar ay gaarto Galmudug.

Isagoo la hadlaayay dad badan oo ku sugan Gaalkacyo ayuu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee ku hor gudban horrumar ay gaarto reer Galmudug ay tahay kooxaha burcad badeeda ee heesta ajaaniibta faraha badan.

Wuxuu sheegay inta burcad badeeda Soomaalida ay heestaan ajaaniibta la socda maraakiibta ay afduubteen kooxaha burcad beeda in horrumar ay gaarto Galmudug aan la arki doonin.

Wuxuu kaloo sheegay wax yaabaha sababta u ah in aysan imaan hey’adaha gargaarka iyo madaxda dowladda Soomaaliya ay sababu tahay ammaanka xumida ka jirta magaalada Gaalkacyo oo dadka lagu afduubto.

Ugu dambeyn hoggaamiyaha Galmudug ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal ay ku damacsan yihiin siddii ay maleeshiyaadka heesta dadka ajaaniibta looga siideen lahaa iyagana loogu sameen lahaa howllo shaqo loogu abuurayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Caasimada@live.com