Dhageyso: Prof. Jawaari oo shaaciyay goorta la qeybinayo mooshinka C/Welli

Muqdisho(Caasimada Online)- Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta u duulay dalka jabuuti.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu sheegay in warqad dacwo ah ay kaga timid dalka Jabuuti gaar ahaan dhigiisa dalka Jabuuti sida uu maanta sheegay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maalinta Axada uu kasoo laaban doono safarka dalka Jabuuti uuna imaan doono magaalada Muqdisho.

Maalinta Isniinta ayuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay isugu imaan doonaan xarunta golaha shacabka islamarkaana loo qeybin doono mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha dalka.

Xildhibaanada fowdada ka bilaabayo xarunta golaha shacabka ayuu sheegay in laga saari doono goobta ayna xeri doonaan ciidamada amaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com