28.7 C
Mogadishu
Saturday, December 13, 2025

Dhageyso: Nicholas Kay: Ma aqbalayo dalabkii xildhibaannada BF SOMALIA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online) – Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inuusan raali gelin ka bixineynin warqad uu horay kaga soo saaray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Danjiraha  gaar ah ee xogahaya guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay  ayaa ka jawaabay baaqii ka soo yeeray mudanayaasha golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya oo ahaa in Danjire Kay uu raali galin ka bixiyay warqad ka soo baxday xafiiskiisa oo lagu sheegay in qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay qaateen laaluush si ay u ridaan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed.

Isagoo ku sugan dalka Denmark oo lagu soo gaba gabeeyay shirka New Deal ayaa waxa uu sheegay in uusan wax raali galin ah ka bixin doonin hadalkiisii hore ,wuxuu sheegay in waxyaabaha uu ka walaacsanaa ay  haatan muuqdo.

Hadalka ka soo yeeray Danijire Nicholas Kay  ayaa ka danbeysay kadib markii qaar ka tirsan mudanaayasha Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbadeen in uu raali galin siiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News