25.8 C
Mogadishu
Saturday, July 19, 2025

Goodax: Xasan Sheekh wuu ku sirmay magacaabistii R/W Cabdi Weli waa in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federal-ka C/llahi Goodax Barre oo mar kale ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Labada Mas’uul, ayaa sheegay in C/weli Sheekh Axmed Wasiirka Koobaad ee Xukuumaddu Lumiyay Kalsoonidii uu Markii hore siiyay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu Tilmaamay in Xassan Sheekh uu ku sirmay C/weli, balse arrintaasi ay u dhacday si sabab la’aan ah.

Goodax ma muuqato buu yiri Sabab hadii uusan, Heysan Kalsoonida Madaxweynaha, uu Xafiiska usii Joogo Ra’iisul Wasaaruhu, taasoo uu kusii Xoojinayo Hadalkii ay dhowaan Xubno Golaha Wasiirrada ka Tirsan ay Warqad ugu Gudbiyeen C/weli Sheekh.

Waxa uu sheegay in Xassan Sheekh uu yahay hogaamiyaha Qaranka, sidaa darteedna R/W C/weli looga baahan yahay inuu u hogaansamo amarada kasoo baxaaya Xafiiska Madaxweynaha, haddii uusan diyaar u aheyna baneeyo xafiiska.

Sidoo kale, C/llahi ayaa dhanka kale sheegay in R/W C/weli looga fadhiyo tixgalinta Warqadihii ay Wasiirada ku dalbadeen inuu Is Casilo, isagoona Tilmaamay in arrintaasi aysan aheyn mid ka turjumeyso Mucaaradnimo balse ay noqoneyso mid lagu soo afmeerayo Khilaafka.

Isagoo mar kale arrintaani ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ” “Dal dhibaato kasoo Baxaya hadaysan ka dhicin in leys qaqabsado uma Maleynayaba in uu Samata Baxayo, Dunida Cirka Tagtay waa ay is qaqabsadeen kedibna Goosteen in ay Xal waara Gaaraan, Inaguna Xalka waan Gaari doonaa”.

Dhanka kale, Haddalka Wasiir Goodax, ayaa imaanaya xili 14-Wasiir ay Ra’iisul Wasaaraha Dhowaan u Gudbiyay Codsiga ah in uu Xafiiska ka tago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News