Dhageyso: Jeneral Biixi ‘oo xog cusub ka bixiyay’ howl-gal lagu laayey Shabaab badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka fuliyeen agagaarka degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Jeneral Biixi ayaa waxa uu sheegay in howl-galkan uu yimid kadib markii ay heleen xog lagu kalsoon yahay, ayna fuliyeen ciidamo si gaar ah loogu soo xulay howl-galkaan, kaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda oo xilligaasi doon kala soo degay hub iyo agab kale oo ubadan waxlaha qarxa.

“Waxaa halkaasi loo qorsheeyay ciidan naftood hurayaal ah, xogtana waxaan ka helnay rag aan ku leenahay cadowga gudihiisa. 140 jirkaan oo kiimakada walxaha qarxo lagu sameeyo ah ayaa laga soo dejiyay doontaas, waxaana lasoo saaray baabuur oo waxaa korka ka fuulay ciidan 50 nin kor u dhaafaya, baabuur qooqana oo cusub oo isagana bacdiisa ah oo la socotay 9 qof.”

Waxa uu sheegay in ciidamada howl-galkaan fuliyay ay baasuke ku dhufteen gaariga lagu soo qaaday walxaha qarxa ee laga soo dejiyay doontaas, “baabuurkaas waxaa ka dhashay qarax laba jeer ka weyn kii Zoobe ka dhashay, oo baabuurkii hal bir oo kamid ah lama helin, dhamaantii waa bas beelay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in halkaasi lagu dilay ku dhawaad 67 dagaal-yahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, iyada oo gacanta lagu dhigay xubno kale oo kamid ahaa kooxda.

“Waa ku daba jirnaa doontaas oo waa heli doona xogteeda, laakiin hadda kama sii hordhacayo oo waa ku raadjoogna. Doon dambe oo Khawaarijta wax u keenta waxaa ula dagaalameyna sidooda oo kale, doonta waa ka gubeyna oo wax alaala waxa saaran waa dileyan, waa amar aan dowladda ka haysano weeyi.”

Jeneral Biixi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in gaadiid lagu soo furtay howl-galkaan, kaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada huwanta, uuna yaallo degmada Xarardheere, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay inuu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo uu tilmaamay inay ku sifeynayaan cadowga go’doonsan, “ee laga xiray baddii iyo barigii,” ayna ku xoroobi doonaan gobolladaasi.

Si kastaba, Mudug ayaa kamid ah gobollada ay haatan ka socdaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhul ballaaran ku qabsadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Hoos ka dhageyso