DHAGEYSO: Khilaaf DF iyo Jubba soo kala dhex galay kadib markii Jubba ay diiday qodob horey loogu heshiiyey

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa khilaaf xoogan soo kala dhex galay kadib markii Maamulka Jubba ka biyo diiday ka qayb galka Shirka Bisha soo socota ka dhici doona magaalada Muqdisho ee Iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Cabdi Shirdoon (Saacid).

Saraakiisha Maamulka Jubba ayaa sheegaya shirka dhawaan ka dhici doono Magaalada Muqdisho inuusan ahayn mid ay dowladdu si rasmi ah u iclaamisay isla markaana yahay mid Xafiiska Ra’iisul Wasaare Shirdoon laga soo abaabulay.

Xildhibaan Hore Cabdi Ibrahim Cabdi (Cabdi Barre) oo kamid ah Saraakiisha Dhinaca Axmed Madoobe dhawaana kamid ahaa ergadii Muqdisho usoo raacay Hogaamiye Axmed Madoobe, ayaa sheegay inay heshiis la galeen beelaha daga Jubbooyinka isla markaana aysan muuqan baahi xiligani keenaysa in markale shirwayne lagu qabto Muqdisho.

Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday Ra’iisul Wasaare Shirdoon inuu kasoo horjeedo heshiiskii Addis Ababa isla markaana uu doonayo Jubbaland inuu carqalad horleh galiyo.

Dhanka kale wuxuu sheegay marka uu kasoo laabto Hogaamiye Axmed Madoobe shirka New Deal in la dhamaystiri doono Xubnaha maamulka KMG ah ee Jubba.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Isha: K24