Kullan laga soo saaray 5 qodob laguna beeniyay Jubbaland oo ka dhacay Baardheere (Dhageyso)

Baardheere (Caasimada Online) – Korneyl Aadan Axmed Xirsi “Rufle” oo sheegay inuu yahay afhayeenka ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in kulan laga soo saaray shan qodob oo muhiim ah uu ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Afhayeenka ayaa sheegay in shir seddex geesood ah una dhaxeeyay dadka degmada Baardheere, maamulka Gobolka iyo saraakiisha ciidamada uu maalmahaan ka socday magaalada Baardheere oo dhawaan gacanta dowlada soo gashay, isagoo sheegay in shirkaasi qodobo laga soo saaray.

Qodobada laga soo saaray ayuu sheegay in shan ay gaarayeen oo ku aadan aayaha mustaqbalka gobolka Gedo, isagoo cadeeyay in ciidamada dowlada oo kaliya ay gacanta ku hayaan guud ahaan degmooyinka xureysan ee gobolka Gedo waxaana qodobada ay kala yihiin.

1: Dhammaan Gobolka Gedo oo ah Gobolka Labaad ee Somaliya ugu weyn ahna Gobolka Laba Dowladood oo waaweyn deris la ah, Ciidamada iyo Maamulka Joogga dhammaantood inay yihiin Dowladda Dhexe Ee Federalka.

2: Inaysan jirin Gobolka Gedo cid u matalayso Dastuur samaynta Magaalada Kismaayo ka socoto ee loo dirsaday ama lagu ogyahay.

3: Laga bilaabo 1-da bisha soo socoto ee August oo ku beegan maalinta Sabtida in uu furan yahay Garoonka Degmada Baardheere iyo wadooyinka soo gala.

4: Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliya oo caawinaaya Amisom inay sii wadaan la dagaalanka argagaxisada iyo hawlgaladooda, si ay xornimo u helaan dad cadiban, oo ku cadiban Gobolada Jubbooyinka & Gobolada Koonfureed. Sida Degmooyinka Bu’aale, Saakow Jilib, Jamaame iyo meelo kale oo ka baxsan.

5: Waa baaq ku loo dirayo Dowladda Dhexe dadka u matalayo Gobolka Gedo oo loogu baaqaayo in si deg deg ah uga soo qaybqaataan dib u dhiska iyo xasilinta Gobolka Gedo iyo Gobolada Jubbooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Baardheere
Caasimada@live.com