Xuseen Carab: Kama yeeleyno DFS waqti korarsi

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gudiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid balanqaadyadii dowlada Xasan Sheikh ee sanadka 2016 ee ahaa doorasho ka dhacdo dalka ee hal cod iyo hal qof.

Xuseen Carab Ciise, wuxuu sheegay in dib u dhaca doorashadii lagu balansanaa la horkeenay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, taasina qaladkeeda ay leedahay xukuumada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay gudoomiyaha gudiga difaaca baarlamaanka.

Xuseen Carab, ayaa sidoo kale gudoomiye ku xigeen ka ah madasha wadatashiga iyo Dimuqraadiyada oo si weyn kaga soo horjeedo muddo kororsi ay sameeyaan golayaasha dowlada Soomaaliya.

Wuxuu cadeeyay in xukuumada Soomaaliya wax laga weydiin dooni dib u dhaca ku yimid qorshaha lagu balansanaa, maadaama sanadkii 2012 laga baxay dowladii KMG aheyd dalkana ay ka jirto dowlad caalamka aqoonsan yahay.

Ugu dameyn Xuseen Carab Ciise ayaa soo jeediyay in maamulada Puntland iyo Jubbaland laga qanciyaa tabashooyinka ay qabaan maadaama aysan kamid aheyn xubnaha ka qeyb galaya kulanka ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com