Shirkii Muqdisho ka socday ee hiigsiga oo lasoo gabo-gabeeyay iyo QODOBO laga soo saaray..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo idlaaday shirkii muddada labada maalin ahaa ka socday magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay madaxda ugu sareyso dowlada Soomaaliya, qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo inka badan 30 dowladood oo taageera dowlada Soomaaliya.

C/raxmaan Ceynte wasiirka Qorsheysan xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in shirka uu goordhow soo idlaaday lagana soo saaray warmurtiyadeed ka kooban ku dhawaad 30 qodob oo ay isla garteen dhinacyadii ku shirayay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in qodobada laga soo saaray ay kamid aheyd soo dhaweynta waxyaabaha ka qabsoomay qorshaha higsiga cusub ee Soomaaliya, sida hirgelinta federaalka Soomaaliya iyo guulahii ugu dambayeeyay oo ay gaareen ciidamda dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Ceynte ayaa sheegay in shirka laga sheegay in laga xumaa maqnaanshihii maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyadoo lasoo dhaweeyay go’aankii baarlamaanka Galmudug qaatay ee wax looga badalay arimaha dhanka xuduuda, taasi oo loo arkay inuu xal u yahay khilaafkii Puntland iyo Galmudug.

Warmurtiyeedka ayuu sheegay sidoo kale in lagu soo dhaweeyay go’aankii xildhibaanada baarlamaanka iyo xukuumada ay soo saareen oo ahaa in dalka aysan doorasho ka dhici karin 2016.

SIdoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka shirka laga soo saaray in go’aan lagu gaaray qaabka ay doorasho kaga dhici karto dalka loogala tashanayo maamul goboleedyada iyo xubnaha sare ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com