Ma CABDI WAAL ayaa ku lug lahaa qaraxii lagu qaaday Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia soo bandhigtay faah faahino la xiriira weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hoteel Jazeera ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar dheeraad ah oo arrintaasi ku saabsan.

Hay’adda Nabadsugida ayaa sheegtay in fududeynta weerarkaasi uu ka qeybqaatay mid kamid ah Hogaamiye kooxeedyadii ka arrimin jiray dalka oo aan magaciisa la sheegin, balse waxaa hadlay Cabdi-nuure Siyaad ‘’Cabdi-waal’’.

C/nuure Siyaad oo aan weli la farmuuqin ayaa sheegay in wax lug ah uusan ku laheyn weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hoteel Jazeera, waxa uuna cadeeyay in wax lug ah uusan ku laheyn fududeynta iyo dhicitaanka weerarkaasi lagu qaaday Hoteelka.

Mar uu la hadlaayay Idaacada KNN ee Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in qoraalka kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida uu isaga khuseeyo islamarkaana shaqsiga la sheegaayo inuu ka danbeeyay weerarkaasi uu isaga yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa waxaa kamid ahaa ‘’Aniga wax lug ah kuma lihi weerarkii lagu qaaday Hoteel Jazeera, waan maqlay in fududeynta weerarkaasi aniga leygu soo riixaayo waxaan halkaani ka cadeynayaa inaan ku lug laheyn fududeynta weerarka’’

Qoraalka Hay’adda Nabadsugida ayaa waxaa kamid ahaa in fududeynta falkaasi uu lahaa Hogaamiye Kooxeed hore oo dalka ka cararay, waana tan keentay in Cabdi-waal uu ka hadlo.

Hadalka C/nuure Siyaad ayaa imaanaya xili DF Somalia ay tuhmeyso in weerarkaasi uu ku lug lahaa C/nuure, waxa uuna iska fogeeyay ku lug lahaanshiyaha weerarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com