26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Dhageyso: Kulan Baydhabo ka Socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Sida wararka aan ka heleyno magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ay shaagayan waxa magaaladaas ka furmay Kualan wada tashi ah oo ay isugu yimaandeen odayaasha, Siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo waxgaradka Beeshaas.

Ujeedka kulankaas ayaa sida la tilmaamay wuxuu ku qotoma sidii looga wada arinsan lahaa in maamul mideysan loo sameeyo gobolada Koonfureed ee Soomaaliya , qorshahaas oo ay wadan Siyaasiyiin qaar kood xilal kala duwan kasoo qabtay Dalka iyo waxgarad kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Milifle.

Shalay waxaa Beydhabo gaaray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo qaar uu hogaaminayay Kusomaha Madaxwynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Waxaana Soconaya Sidii looga arainsan lahaa sida aga yeelayo mamulka ay dowlada Aqoonsatay ee Jubba ee uu Axmed Madoobe Hogaamiyo inkastoo warar ay tilmaamayaan in Jawaari Qudhiisu uu qorshahaas ku taageeray Odayaasha  Beeshaas.

Xildhibaan Maxamed Isxaaq Cismaan, oo ka mid ah Xildhibanidii shalay garay Beydhabo gaaray ayaa sheegay in Arimaha ay ka arinsanayan ay qeyb ka taahy in la taageero qorshaha ay odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Digil iyo Milifle ay wadan iyo sidii laga yeeli laha maamulka Jubba, waxaana uu tilmaamay inay u hogaaansameen markii odyaasha beelahooda sidaasina ay Bedhabo kusoo gaareen.

Kulanka oo ah Mid Goor dhaw Beydhao ka furmay ayaa  Waxaa la filayaa inay kasoo baxaan go’aano rasmi ah oo ku aadan Maamulka ay siyaasiyiinta iyo Waxgaradka digil iyo milfle ay baadi goobayaan , oo lagu ideynayo Lix gobol oo gobolada dalka ah oo ay ku jiraan Maamulada iminka uu ka arimiyo Maamulka Jubba.

Malaaq Axmed Aadan Dhaamoow oo ka mid ah waxgaradka Beelaha Dega gobolada Baay iyo Bakoo, ayaa sheegay in ujeedka kulanakas inuu yahay Sidii dowlada looga dhaadhicin lahaa Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya oo uu sheegay inay noqoneyso Dowlada Goboleed Sida uu sheegay .

Wuxuu sheegay inay la shaqeynayaan dowlada Soomaaliya hadii ay aqoonsato Maamulka ay doonayaan inay u magacaabaan Lid gobol oo ka mid ah gobolada dalkeena Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in arintaas ay wadaan dadka deegaanka goboladaas sida uu tilmaamay.

Si kasto odayaasha Beelaha Digil iyo Milifle aya dhawan waxay shaaciyee inay kalsoonidii kala laabteen dowlada Soomaaliya , waxaana siyaasiyiinta u matala dowlada Soomaaliya ay ku amreen inay Muddo laa Maalin ah ku gataan taas oo dhalisay in Xildhibaanada yo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay Halkaasi gaaraan.

Malaaq Axmed Adan Dhaamow

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News