27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Dhageyso: Maamulka Col. Barre: ONLF & Raaskamboni ayaa nasoo weeraray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiisha Maamulka Col, Barre Hiiraale ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar ay maanta ku qaadeen Ciidamadda maamulka KMG ah ee Jubba duleedka degmada Kismaayo gaar ahaan deeganka ay ku suganyihiin Ciidamadda Barre Hiiraale.

Afhayeenka dhanka Ciidamadda ee Col, Barre Hiiraale Xasan Qaasim Warsame ayaa u sheegay warbaahinta k24 inay maanta soo weerareen Ciidamo ka tirsan sida ay sheegeen Jabhada ONLF iyo Malayshiyaad ka tirsan Raaskambooni.

“Waa jirtaa qolooyinkii jabhadii ONLF iyo Raaskambooni oo wada socda ayaa weerar kusoo qaaday deegaanka Goobwayn oo ku sugnaayen Ciidamadeenu, nasiib wanaag waxaa ku baxay unug ka tirsan Ciidankeena kuwaasi oo khasaare u gaystay dhimasho iyo dhaawacna waa kala tageen meesha” ayuu yiri Xasan Qasim.

Afhayeenka Col, Barre Hiiraale, ayaa sidoo kale ku warramay dib inay deegaanadii ay weerarka kasoo qaadeen ugu laabteen Ciidamadii maamulka Jubba, isagoona tibaaxay Khasaare xoogan maanta inay gaarsiiyeen sida uu hadalka dhigay Ciidamadii weerarka kusoo qaaday.

“Weerarkaasi inaga dhankeena wax kasoo gaaray ma jiraan balse waxaan kuu xaqiijinayaa Ciidankeenu inay leeyihiin xiriiro badan oo lamid ahayn kuwa ONLF ee iska soo socda tababarkana aan haysan”.

Dhanka kale wuxuu sheegay Ciidamadoodo imika inay ku suganyihiin deegaanadii ay horay u daganaayeen isagoona gaashaanka u daruuray wararka sheegaya in laga saaray deeganadii ay horay ugu sugnaayeen.

Wuxuu sheegay Xasan Qaasim Warsame Ciidamadoodu inay iska celin doonaan cid walba oo isku dayda inay weerar kusoo qaado isagoona tibaaxay Ciidanka Barre Hiiraale inay dhawaan qorshaynayaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen degmada Kismaayo.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Isha: Kismaayo24

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News