Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed oo mowqif cusub ka qaatay go’aanka ay dowlada Somalia dhex dhexaadka uga noqotay xiisada Khaliijka ayaa mar kale marmarsiyo u sameeyay go’aanka taageerida.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay ku saxan yihiin go’aanka ay ka qaaten xiisada Khaliijka kadib markii ay u cuskadeen in Qadar aysan waxba u qaban maamulka Koonfur Galbeed.
Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed ”Xasan Eelaay”, oo bayaaniyay go’aanka ay Koonfur Galbeed ku taageertay xulafada Sacuudiga ayaa sheegay in taageerida Qadar aysan soo kordhineynin wax micno ah.
Wax uu tilmaamay in dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay wax badan u qabteen bulshada reer Koonfur Galbeed, sidaa aawgeed ay ku khasban yihiin inay taageeran xulafada Sacuudiga.
Waxa uu sidoo kale Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed, tilmaamay in arrintani ay in badani ka fiirsadeen, ayna garowsadeen in danta dadka Koonfur Galbeed ay tahay in la taageero xulufada Sacuudiga.
Waxa uu intaa raaciyay in Madaxda Dowladda Somaliya, ay ku dhaliilayaan inaanay Koonfur Galbeed ka talogelin mowqifka ay dhexdhexaadka kaga noqdeen arrintaasi.
Sidoo kale, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed, ayaa mowqifka Madaxda Dowladda ku sheegay mid ay u arkaan in cid gaar ahi loogu hiiliyay.

