29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Dhageyso: Madaxweynaha Galgaduud sare oo fogeeyay Guuleed, balse P/L, J/L iyo DDSI u…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maamulkii ugu yaabka badnaa dhismihii ayaa shalay looga shalay looga dhawaaqay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kadib markii dad aan badneyn cod gacan taag ah ku doorteen madaxweynaha maamulka Galgaduud sare.

Xasan Gacaliye oo ah shaqsiga loo doortay madaxweynaha maamulkaasi ayaa si cad u sheegay ineysan aqoonsi ka dooneynin dowlada Soomaaliya oo ay weheshanayaan maamulo ay qabiil ahaan isku wada dhow yihiin.

Maamuladaasi oo uu sheegay ayaa waxaa kamid ah Puntlnad, Jubbaland, dowlda Deegaanka Soomaalida iyo maamulkii Bakool sare, isaga oo inkiray maamulka Galmudug.

Maamulka Galgaduud sare ayaa waxaa dhistay beesha Mareexaan sida uu sheegay madaxweynaha codka gacantaaga lago doortay Xasan Gacaliye.

Wuxuu sheegay in marnaba aysan aqoonsan doonin maamulka Galmudug, sababtoo ah buu yiri dadka deegaankaasi kasoo jeeda oo aan ku qanacsaneyn Galmudug kana waayay waxii ay doonayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News