Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi laga sugaayo Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo DDSI.
Seddexdaani madaxweyne maamul Goboleed ayaa la filayaa inay gaaran Degmada Caabudwaaq iyaga oo marti galin ka helay maamulka.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Seddexdaasi mas’uul ay halkaasi uga qeybgali doonaan Aas Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle oo ahaa Ugaaska Beesha mareexaan ee Gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sheegay in mas’uuliyiintaasi iyo mas’uuliyiin kalaba ay ku martiqaadan yihiin Degmada Caabudwaaq, balse ma aysan kasii faalon.
Mid kamid ah Saraakiisha ayaa sheegay in in Madaxdaasi ay ka qeybgali doonaan Aaska Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle oo ahaa Ugaaska Beesha mareexaan ee Gobolka Galgaduud sidoo kalane ay isku soo dhaweynayaan DF iyo maamulka.
Mas’uuliyiintaasi iyo kuwa kale oo ka tirsan DFS ee halkaasi gaari doona ayaa sidoo kale lagu wadaa in kulamo wakhti yar qaadan doona la yeelan doonaan maamulka si ay ugu cadaadiyaan in jiritaanka Dowlada aysan shaki galin oo ay la shaqeeyan.
Madaxweynayaasha Jubaland, Puntland iyo DDSI kama aysan hadal wali socdaalkooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

