Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Hiiraan iyo Shabeelaah Dhexe ayaa dhaliil adag u jeedinaya dowlada Soomaaliya, kadib markii waqti dheer ay ku qaadatay dhismaha maamul labadaasi gobol ay yeeshaay.
Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre oo kamid ah xildhibaanada sida weyn u dhaliilsan shirka Jowhar ayaa sheegay in Xasan Sheikh Maxamuud uu ka dambeeyo dib u dhaca waqtiga qaatay ee shirka magaalada Jowhar.
Goodax Barre, wuxuu sheegay in shirka magaalada Jowhar ay u badan tahay in la iska xiro sabab la xiriirta doorashada weyn ee 2016 ka dhaceyso dalka Soomaaliya, halkaasina ay ku wada mashquuli doonaan madaxda dowlada.
Wasaarada arimaha gudaha iyo xukuumada Soomaaliya xubno ka tirsan oo ay la kulmeen ayuu sheegay iney ku wargeliyeen in shirka magaalada Jowhar uu socon doono oo waqti kaliya ay u baahan yihiin.
Hogaanka ugu sareeyo dalka ayuu sheegay ineysan dhab ka aheyn dhismaha maamulka oo ay donayaan in wax walbaa dib loo dhigaa, taasina laga garan karo qancin la’aanta dadka kasoo jeeda Hiiraan.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

