29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Dowladda Ethiopia oo xusul duub ugu jirta laba ka mid ah wasaaradaha DF SOOMAALIYA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlada Ethiopia ay xusul duub ugu jirto hanashada laba Wasaaradood oo ka tirsan Xukuumada Somalia.

Qorshahaani ayay Dowlada ethiopia ku dooneysaa inay ku hirgaliso ka hor inta aysan dhicin xukuumada Somalia ee iminka jirta.

Qorshaha ayaa waxaa xooligiisa wada Safaarada Ethiopia ee Somalia iyo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka dalkaasi ee ka howlgala Somalia.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in rabitaanka Ethiopia uu intaa kasii badan yahay balse ay iminka muhiim u yihiin Wasaaradaha Gaadiidka iyo saadaasha hawada iyo Dastuurka oo ay doonayaan in loo dhiibo laba shaqsi oo ay iyaga wataan.

Dowlada Ethiopia ayaa Madaxweyne Xassan Sheekh heshiis kula gashay in loo sahlo howlahooda ku aadan Siyaasada Somalia, si ay taageero ugu muujiyaan Xassan islamarkaana uga shaqeeyaan sida uu mar kale ku noqon lahaa Madaxweynaha Somalia.

Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali, ayaa dhawaan Wasaarada Boostada iyo Isgaadhsiinta DFS u magacaabay Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) oo kamid ahaan jiray ragga sida dhaw ula shaqeyn jiray Gen. Gabre oo ah ninka ethiopia u qaabilsan qaska iyo xasil darida Somalia.

Docda kale, Dowlada ethiopia ayaa ku hamineysa in dhammaan Siyaasada Somalia ay si rasmi ah u maamusho, iyada oo u adeegsaneysa Siyaasiyiin ku xiran Sirdoonka ethiopia oo ay wadato Dowlada ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News