28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Dhageyso: Madaxweynaha Muxuu ka yiri shirka Brussels ka furmaya?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka warbixiyay xilli uu lahadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da rajadiisa ku aadan shirka Maanta ka furmaya Magaalada Brussels ee dalka Belguimka.

Wuxuu sheegay in Shirkan uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa dadka Soomaaliyeed loo qabto isla-markaana uu  ahmiyad weyna u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhaqaalaha kasoo xarooda Shirkaas ayuu sheegay Madaxweyanaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh inuu noqon doono mid wax looga qabto Dhinacyada Horumarinta dalka iyo waliba Dib u dhiska dalka .
Madaxweyne Xasan ayaa wax laga weydiiyay Musu- Maasuqa inta badan lagu eedeeyo Xafiisyada dowlada Soomaaliya inuu saameyn ku yeesha Dhaqaalaha Shirkaas kasoo xarooda ayuu sheegay in arimahaas ay u muuqdaan kuwo lag  bad badinayo isla-markaana ay been abuur u badan yihiin eedeymahaas .
Wuxuu sheegay in  Soomaaliya 22 Sano ay aheyd dal Bur Bursan , isagoo tilmaamay inuu jiri karo Musuq Maasuq Balse wuxuu tilmaamay in dhaqaalaha kasoo xarooda Shirka Brussels ay ku bixin doonaan Meel Wanaagsan  Sida uu sheegay.
Si kasto Maanta aya Si rasmi ah waxaa lagu wadaa in Belguimka uu ka furmo Shir looga hadlayo aayaha Soomaaliya Kaas oo sida la sheegay Dhaqaalo loogu raadinayo Soomaaliya.
Halkaan ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
- Advertisement -

Read more

Local News