Boob iyo dhac loo geestay Somalida ku ganacsata K/Afrika (Warbixin)

Eastern Cape (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Poorto Elasabate ee dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in dhac iyo boob lagu hayo tan iyo shaley dukaamo ganacsi oo badnaaa ay lee yihiin Soomaali.

Cabdulaahi Xasan, oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan gobalka Eastern Cape, ee dalka Koonfur Afrika,ayaa u sheegay VOA-da in dukaamo gaaraya 70 in la boobay oo la dhacay.

Mar uu ka hadlaayay sida ay wax u dhaceen, wuxuu sheegay in markii hore tuugo burcad ah, ay isku dayeen in ay dhacaan dukaamo ay lahaayeen Soomaalida, balse ganacsatadii halkaas ku sugnaa ay toogteen mid ka mid ah kooxda weerarka soo qaaday.

Intaas kaddib waxaa dhacay ayuu yiri dhammaan dadkii ku dhaqnaa magaalada ayaa boob iyo dhac u geestay wixii dukaamo ah oo ku yaalay magaalada.

Wuxuu sheegay ninkan in goobaha ganacsiga ee la boobay ay lahaayeen Soomaali, Ethiopian iyo China.

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay in booliska ay soo gaareen goobta, kuwaasoo xiray Soomaalida dishay ninka burcad, sidoo kalena ay kala cayriyeen kooxaha weerarka soo qaaday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhacdooyin noocan oo kale ay ka dhacaan dalka Koonfur Afrika, waana kuwa taagan mar kasta iyo waqti kasta, mana jirto dowladd isku taagtay oo wax ka qabata dhibaatada gaarka u ah Soomaalida ku ganacsata dalka Koonfur Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi