Banaanbax ka dhan ah Shirka Brussels oo Beydhabo ka soconaya

Beydhabo (Caasimada online) Wararka ka imaanaya magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in hatan uu magaalada ka soconayo Banaabax looga soo horjeedo Shisrka maanta ka furmaya Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka  kaas oo ay ku tilmaameen mid aanan ka turjumeyn ayaha Goolada Koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya.

Dad weynaha ku nool xaafadaha kala duwan ee magaalada Beydhabo ee xarunta Baay iyo Sidoo kale xubnaha Maamulka Degmada  Madax Waaxeedyada aafada ayaa ka qeyb qaadanaya dibad baxa ka dhan ak ah Sirkaas oo ay sheegeen in aysan jirin cid ka turjumeysa Beelaha Digil iyo Milid ama hogaan kasoo jeeda goboladaas oo ka qeyb galaya Shirka

Malaaq Cali C/raxmaan Cali Shiino oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Axmed Madoobe uusan matali karin Beelaha Dega Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxaana uu shaaca in Shirkaas waxa kasoo baxa aysan waba ka quseyn Beelaha dega Gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin Jubbooynka iyo Gedo.

Malaaqa ayaa sheegay in dhankooda marnaba aysan raali ka aheyn maamulka dowlada Soomaaliya ay aqoonsatay ee ka dhisan gobolada Jubbada Dhexe , Jubbada Hoose iyo Gedo, kuwaas oo dhawaan hogaan looga dhigay Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe uu hogamiyo .

Banaanbaxa aya ah mid goordhaw ka bilowday magaalasda waxaaana jira sarar kala duwan o kasoo baxaya  wararka qaar waxay shegayaan inuu salka ku hayo is maan dhaaf dhanka siyaasada gobolada Koonfur galbeed ah ,maadaama dowlada Soomaaliya ay aqoonsatay maamulka Jubba ee Axmed Madoobe uu hoamiyo Shirkasina maanta lagu wado inuu ka qeyb galo Hogaamiyaha Jubba.

Beydhabo waxaa ka soconaya Qorshe la doonayo in Maamul loo sameeyo Lix gobol oo ka mid ah gobolada koonfur galbeed Soomaaliya oo ay qeb ka yiiin Gobolada uu ka jiro Maamulka Jubba .

Axmed Madoobe , oo ah hogaamiyaha Maamulka Jubba ayaa qeyb ka ah mas’uuliyiinta gobolada dalka ee shirka Brussels ka qeyb galaya inkastoo arintaas ay caasho ka muujinayaan Wagarad iyo Siyaasiyiin kasoo kala jeeda gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Caasimada online

Xafiiska Beydhabo

Caasimada@live.com