Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kormeeray Xero ciidan oo ay Imaaraadka Carabta ku tababaro ciidamada dowladda, taasoo ku taal degmada Hodan.
Xero Agoon oo sanad ka hor ay dayactir ku sameysay Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ku jira boqolaal askari oo tababar uga socdo.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxaa uu la kulmay Ciidamo Kumaandoos ah oo tababar u socdo, isagoo kula dar daarmay inay qaranka u shaqeeyaan, oo ay shacabka bad baadiyaan.
Madaxweynaha ayaa waxa uu kormeer kadib hadal uu halkaasi ka jeediyey uu ugu horreyn u mahadceliyey dowladda Imaaraadka iyo dedaalka ay ku bixineyso tababarka ciidamadan.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo bogaadiyey ciidamada.
Waxa uu sheegay ciidanka xoogga dalka in meel walbo laga ogyahay iney yihiin geesiyaal aan dhabarka aadin cadowgooda, naftoodana u huraya dadkooda iyo dalkooda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in lagu xanto ciidanka xoogga dalka ineysan haysan tishibiliin, balse hadda uu arkay iney haystaan tishibiliinkii ciidan ee ugu wanaagsanaa.
Halkaan hoose ka dhageyso hadalka madaxweynaha arrimo badan uu kaga hadlay.

