Qadar oo dooneysa in ay wadahadal lagasho 4-ta Dowladood ee xiriirka u jaray

Doha (Caasimadda Online) – Qadar ayaa ku dhawaaqday sida ay ugu baahan tahay wadahadal iyo in ay miiska wadahadalka la fariisato afarta dowladood ee u jaray xiriirka siyaasadeed, warkan ayaa soo baxay kadib wadahadal ay Taleefanka ku yeesheen dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan  iyo Amiirka Qadar Tamiim Bin Xamd Aali Thaani, sidaasna waxa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Sucuudiga SPA.

Wakaaladda  wararka ee Sucuudiga SPA; ayaa sheegtay in Amiirka Qadar si weyn u muujiyey sida uu u doonayo in uu la fariisto miiska wadahadalka dowladaha xiriirka u jaray Qadar; si ay isula lafaguraan dalabka 4ta dowladood ee ku xiran dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyeed, Amiir Tamiim; ayaa rajo fiican ka mujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in la dhowro danaha dhammaan dhinacyada ay arrintanu qusyeso.

Sida ay ku warrantay  wakaaladda wararka ee Sucuudiga SPA; dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga ayaa soo dhoweeyey soo jeedinta iyo rabitaanka Amiir Qadar, waxa uuna sheegay in faahfaafinta iyo go’aanka 4ta dowladood ee arrintan dhowaan dib laga shaacin doono, kadib wadahadal uu la yeelanayo dowladaha xiriirka u jaray Qadar, kuwaas oo kala ah Imaaraadka carabta, Baxreyn, Sucuudiga iyo Masar.

Sidoo kale wakaaladda wararka e Qadar, ayaa daboolka ka qaadday in Amiirka Qadar uu telefoon kula hadlay madaxda boqortooyada Sucuudiga, waxa ay wakaaladduu sheegtay in wadahadalku yimid kadib fududeyn iyo soo jeedin katimid dhanka madaxweynaha Mareykanka Donal Taraam.

Wakaaladda Wararka ee Qadar ayaa intaas ku dartay in Amiirka Qadar ku raacay soo jeedinta Dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga oo ah in laba ergay ay dowlad walba soo dirsato si loo lafaguro khilaafka, iyada oo taasi aanay ka hor iman madaxbannaanida dowladaha ay quseyso arrinta khilaafka Khiliijka Carabtu

Dowladaha xiriirka u jaray Qadar, ayaa ku eedeeyey in ay taageerto kooxo xag jir ah, iyada oo Qadarna ay taas beenisay.

Sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka ay baahisay Wakaaladda wararka ee Qadar ee la xiriira wada sheekeysiga labada Mas’uul.

Warbixin 2aad oo ka soo baxday Sucuudiga ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan uu hakiyay wixii xiriir ahaa ee lala sameeyay Boqortooyada Qadar,waxaana shuruud looga dhigay Qadar in marka hore ay Caalamka la wadaagto halka ay ka taagan tahay la dagaallanka Argagixisada.

Kal hore ayaa Madaxweyne Taraam kala hadlay Amiirka Qadar arrintan, isaga oo u sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay in loo midoobo la dagaalanka waxa uu ku sheegay argagixisada.

Wadahadalka Qadar iyo dowladaha u jaray xiriirka ayaa waxa dhexdhexaadinaya madaxweynaha Mareykanka, waxa uu sheegay Taraam in uu diyaar u yahay dhexdhexaadinta arrintan oo taagan muddo bilo ah.