Xog: Yaa gadaal ka riixaya mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Kheyre?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa socdo olole ay wadaan siyaasiyiin xilal ka waayey dowladda Farmaajo kuwaas oo doonayo inay meesha ka saaraan Xukuumadda Kheyre, si ay xukuumadda la dhisi doono uga soo dhex muuqdaan.

Hadda Warar si hoose aan u helnay ayaan ku ogaannay cidda sida rasmiga ah gadaal uga riixeysa mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xogtu waxay leedahay waxaa howshaan wada kooxaha Damuljadiid iyo sidoo kale Aalasheekh oo siyaasad ahaan hadda taladii dalka ay ka wareegtay.

Xildhibaannada kasoo jeeda dhinacyadan ayaa lagu soo waramayaa iney hadda doonayaan in Kheyre uu meesha ka baxo.

Inkastoo uu shaki ku jiro cod helista mooshinka ka dhanka ah Kheyre, hadana waxaa jira lacag lasoo geliyey golaha shacabka oo cod loogu raadinayo mooshinkaan.

Ururadaan ku kacsan Dowlada Farmaajo ayaa ka faa’ideysanayo kiisas muran dhaliyey oo ay ku kacday xukuumadda Kheyre oo ay ugu dambeysay dhiibitaankii Qalbi Dhagax.

Waxaa maanta dib u dhac kulankii ay yeelan lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya kaasoo looga hadli rabay sida laga yeelayo go’aanka ay xkuumadda Kheyre ka qaadatay arrinta Qalbi Dhagax, wuxuuna kulankaas u baaqday Kooram la’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com