Dhageyso: Maxaa ka jira in wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu is-casilay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar la isla dhex-marayey baraha bulshada ayaa sheegayey in wasiirka Gaashandhiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) uu xilkaas iska-casilay.

Wararkan ayaa xoogooda soo baxay saacad un kadib markii uu is-casilay wasiirkii howlaha guud iyo guryaynta Cabdifataah Maxamed Ibraahim Geesey.

Labada wasiir ayaa kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadaas ay aad uga carraysan yihiin in dowladda aysan ku ixtiraamin inay kala xiriirto arrimaha maamulkaas.

Si kastaba, Wasiirka gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa goordhow been abuur ku tilmaamay wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada ah ee in uu iska casilay xilka Wasiirka Gaashaandhigga.

Waxa uu sheegay in uusan is casili doonin, waxaana dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqay inaysan qaadan wararka kahor imaanaya horumarka dalka ee Baraha Bulshada lagu faafinayo.

Dhageyso Codka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com