Jeddah (Caasimada Online) Qunsulka Soomaalia u qaabilsan dalka Sucuudiga ayaa ka warbixisa tahriibayaal fara badan oo laga soo qabqabtay dalkaas oo loo tarxiilayo dalkooda.
Ku-simaha qunsulka guud ee Soomaaliya u jooga magaalada Jeddah, Daahir Axmed Weheliye oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay inay jiraan kunnaan qof oo Soomaali ah oo ku jira xabsiyada dalka Saudi Arabia, kuwaasoo diyaarsan u ah sidii dib loogu celin lahaa dalkoodii Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Soomaali badan lagu soo qabtay howgallo ka socda dalka Sucuudiga kuwaasoo dib loogu dhoofinayo Soomaaliya.
Sidoo kale, mas’uulkan ayaa hadalkiisa ku daray in Soomaalida ay intooda badan imaanayaa goobaha tarxiilka, kaddib markii amar lagu bixiyay inay isaga baxaan dalkaas dadka ajnabiga ah ee aan sharciga haysan.
Soomaali badan ayaa buux dhaafiyay xabsiyada ku yaalla dalka Sacuudiga, kuwaasoo lagu soo qabqabtay howgallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen xaafadaha ay ku nool dadka sharci darada ku jooga dalkan.
Haddaba si aan wax badan uga ogaano xaaladda ay ku suganyihiin dadka Soomaalid ah ee sugaya in dib loo celiyo iyo duruufaha ay ku suganyihiin.
DHAGEYSO Wargeysiga qunsulka Tarxiilka Sucuudiga
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Khaliijka