Dhageyso: Faroole oo ka hadlay arrinta Galkacyo

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C.raxmaan Maxamed Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ee Nugaal ayaa ka hadlay shirarka ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo Dowlada Soomaaliya.

C/raxmaan Faroole ayaa ugu horeyn wax laga xumaado in maamulada Puntland iyo Galmudug oo deris ah ku dagaalamaan wadd laami la saarayo oo ka kooban 130 mitir islamarkaana kaliya 30 mitir isku heystaan labada dhinac sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Faroole ayaa sheegay in labada maamul looga baahan yahay iney raadiyaan xal buuxa oo lagu dhameynkaro dagaalada nabadna loogu wada noolaan karo magaalada Gaalkacyo.

Xasan SHeikh Maxamuud ayuu sheegay in looga baahan yahay inuu tago magaalada Gaalkacyo maadaama ay jiraan waxyaabo badan oo ra’iisul wasaaraha kaligiis uusan xalin karin.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in madaxda maamul goboleedyada lala leeyahay talada magaalada Gaalkacyo mar haddii dagaal xoogan uu ka dhacay magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com