Sawirro: Galmudug oo soo bandhigtay Maxaabiis ay dagaalka uga qabsatay Puntland oo gaaraya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa goordhow magaalada Gaalkacyo kusoo bandhigay maxaabiis ay ka qabsadeen Maamulka Puntland maalmihii ugu danbeeyay ee uu dagaalka socday.

Maxaabiistaani ayaa isugu jiray kuwo askar ah iyo kuwo Basaasiin u ahaa Saraakiisha hogaamineysay Ciidamada Puntlan.

Maxaabiistaani ayaa waxa ay kamid yihiin kuwo badan oo ku jira gacanta maamulka Galmudug, waxaana lasoo warinayaa inay jiraan Saraakiil ka howlgasha madaxtooyada Puntland oo iyaguna lagu qabtay dagaalka, si ay Caasimada Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin maamulka ka tirsan.

Maamulka Galmudug ayaa wacad ku maray inay si gaar ah ula xisaabtami doonaan Ciidamada islamarkaana ay Su’aalo ka weydiin doonaan sababtay ay ugu soo xadgudbeen Maamulka.
maxa_3
maxa_2
b