“Haddii Madoobe & Gaas ay dagaalka Gaalkacyo qabiileeyaan, Guuleed ayaan la safan doonnaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xusein Samater oo kamid ah Odayaasha kasoo jeeda Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug ay maamusho ayaa sheegay in dhowr jeer ay isku dayeen inay xaliyaan Colaada u dhexeesa Galmudug iyo Puntland balse ay ka xalin waayen C/weli Gaas aawgii.

Yuusuf waxa uu sheegay in arrinta colaadaani ay kala hadleen C/weli Gaas balse ay kala kulmeen dhaqan aysan ka fileynin, isaga oo sheegay inaysan u baahneyn in la hakiyo colaada ilaa ay Galmudug ka saaran Gaalkacyo oo idil.

Waxa uu sheegay inay la socdaan shirarka ka socda Garoowe ee u dhexeeya Madaxweynaha Puntland iyo Jubbaland kaasi oo ay ugu tashanayaan Maamulka Galmudug.

”Wax waliba oo ka dhacaaya madaxtooyada Garoowe waan la socnaa haddii ay dhacdo in C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ay qabiileeyan dagaalka Gaalkacyo, waxaan si cad ula soo safan doonaa Maamulka Galmudug. anagu daacadnimo ayaan dooneynaa luqaafo yaan loo rogin dagaalka”

”Axmed Madoobe waxaan uga digeynaa anaga oo ku hadleyna Afka maamulka iyo kan shacabka in mowqifkii uu Garoowe u imaaday ee ahaa ka qeybqaadashada xalinta dagaalka uu u rogo mid uu kula safanaayo C/weli Gaas, waan la socnaa sababta ay isugu soo xirayaan madaxtooyada”

Odayaasha Puntland ayuu dhanka kale uga digay inay ka baxaan heshiiskii qodobeysnaa ee horay loo wada gaaray waxa uuna ka digay in xaaladaani laga sameeyo caga jiid.

Dhanka kale, Yuusuf Xusein Samater ayaa DFS ka raali galiyay war xumadii kasoo yeertay Madaxweynaha Puntland ee ahaa in Dowladu ay ka qeybqaadaneyso dagaalka ka socda Gaalkacyo, iyada oo garab boodeysa Maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com